Soomaaliya oo fadhiga golaha amaanka ee qaramada midoobay kaga adkaatay kenya
DF Somalia ayaa guul taariikhi ah ka gaartay kenya ka dib markii ay Kenya ku guuldarraysatay qorshe ay ku doonaysay in lagu cuuryaamiyo ama lagu xalaalaysto “hantida Soomaalida” sida ay sheegtay DF Somalia.
Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada oo qoraal kooban ku soo qoray bartiisa facebook-ga ayaa yiri
“Shabaab waa urur argagisixo ah oo taasi muran kama taagna.
Waxaa jiray qaraarro ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kasoo saareen sida kan tirsigiisu yahay 751, kaasoo lagu wiiqayo awoodda Alshabaab iyo
dhaqaalaha ay ka sameeyaan dhuxusha.”
“Kan kaliya haddii la fuliyo waxa uu ku filan yahay in la cirib tiro Shabaab iyo Shabaab kalkaal.”
Agaasimaha Warfaafinta ayaa soo dhoweeyay diidmada Golaha Amaanka ee qaraarka tirsigiisu yahay 1267, kaasoo dabada ka riixaysay dowladda Kenya.
“Waan diidnay diblomaasiyadda ku dhisan “magafenimada iyo in Isbaaro caalami ah oo loo dhigto horu-socodka dowlad dhisidda Soomaaliya, fagaare walba oo caalami ah oo aan qeyb ka nahayna waan u bandhigaynaa.” Ayuu ballan qaaday Agaasimuhu.
Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, illaa 20 safiirro hore, Amniga Qaran iyo saraakiil arrimaha Gurmadka ah, ayaa horraantii bishan warqad u qoray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo, xoghayaha maaliyadda Steven Mnuchin iyo madaxa hay’adda USAID Mark Green, waxayna ka dalbadeen in ay diidaan dalabka Kenya.
Markii ay Kenya u gudbisay Qaramadda Midoobay qodobka 1267, waxaa markiiba ka hor yimid siyaasiyiin, safiiro iyo rug cadaa u dhashay dalka Mareeykanka oo dowladooda uga digay hadeey qodobkaasi meel maro inay dhib badan la kulmi doonaan shacabka Soomaaliyeed oo In mudo ku jiray dagaal sokeeya, waxayna sheegeen haduu qodobkaasi meel maro inay dhibku noqdo doonto nabad ka dhalata Geeska Afrika.
Dalalka diiday qaraarkan waxaa ka mid ah USA, France, Belgium, Germany, Poland iyo Kuwait.
Kenya ayaa aad ugu ololeyneysay in al-shabaab lagu daro liiska aragagixisada ee caalamka iyadoo ay ka damacsaneyd ujeedooyin lagu wiiqayo horumarka soomaaliya,hase ahaatee isku dayo badan oo ay sameysay kenya waxaana weli u suura galin damaceeda ku aadan in wada hadal laga galo badda ay leedahay soomaliya ee ay muranka galisay.
Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku socda Diyaaradaha taga ama ka yimaada Garoonka Diyaaradaha Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Diyaaradahas ayaa lagu amray in markii ay tagayaan iyo markii ay kasoo tagaan Magalada Kimaayo ay waajib ku tahay inay soo maraan Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho,Go’aankaas oo ay hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ay sheegtay in looga gol leeyahay hubinta iyo koontaroolka diyaaradaha ka dega Kismaayo.
dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa inay ogaato diyaaradaha taga Magalada Kismaayo,xilli dowlada faderaalka ay fahamsan tahay in dalalka ay faragelin ku hayaan xaaladaha jubaland.
Garoonka kismaayo waxaa maamula ciidamada kenya kuwaas oo faragalin muuqata ku haya jubaland.
Is caleema saar beenaad ayuu axmed moodabe doonayay in uu ku qabsado kismaayo ayna kala soo qeyb galaan masuuliyiin ka socota kenya iyo kuwa kale oo aan dooneyn rabitaanka shacabka jubaland balse dowlada faderaalka ayaa il gaar ah ku heysa xaalada guud ee dowlad goboleedka jubaland.
Haddaba amarka dowlada ka soo baxay maxay tahay saamenta uu ku yeelan karo diyaaradaha sida gaar ah ula shaqeeya axmed madoobe ee ka daga kismaayo su’aalahaas iyo kuwa kale ayaan weydiinay maxamed xaaji axmed oo falanqeeye siyasada soomaaliya iyo tan caalamka
Wada hadalladan ayaa lagu turxaan bixiyay tabashadii kooxda Ahlusunna, oo laftooda yeeshay kulan dhexdooda ah oo ay ku saarayeen madmadoow iyaga soo kala dhex galay, iyagoo u qaybsanaa Guddoomiyaha Guud Ahlusuna Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir oo dhinac ahaa iyo C/risaaq Al-Ashcari oo ku qancay dadaallada DF iyo in la dhiso maamul cusub. Kaddib kulanka Hoggaanka Ahlusuna ayaa waxaa qabsoomay kulan kale oo u dhaxeeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Somalia Cabdi Maxamed Sabriye iyo madaxda Ahlusuna, waxaana kulankaasi kusoo dhamaaday is faham, sida ay wararku nagu soo gaarayaan. Hoggaanka Ahlusuna ayaa u sheegay Wasiirka inay ka ”dawoobeen wixii tabasho ay qabeen, isla markaana wixii hadda ka dambeeya raalli ka yihiin” howlaha dowladda Federaalka ah ay ka wado Dhuusamareeb ee ku aadan dhismaha Maamulka Galmudug, taasoo meesha ka saaraysa War Saxaafadeedkii kasoo baxay xafiiska Sheekh Maxamed Shaakir ayaa lagu sheegay in DF Somalia ”ay ka baxday” heshiiskii ay la gashay Ahlusuna, iyadoo ay DF ayna beenisay.