Suudaan oo xaalad degdeg ah kaga dhawaaqday Badda Cas
Xaalad degdeg ah ayaa lagaga dhawaaqay gobolka Badda Cas ee dalka Suudaan, ka dib markii isku dhacyo qawmiyadeed ay ku dhinteen 16 ruux.
Dawladda ku meelgaarka ah ayaa sidoo kale shaqadii ka eriday barasaabkii gobolka bari iyo madaxii arrimaha ammaanka.
Ma cadda waxa sababay dagaalkaas dhex maray Bani Amer iyo Nuba, isku dhacyadaas oo ka dhacay Port Sudan ayaa billawday Arbacadii waxayna socdeen tan iyo Sabtidii.
Markii u horraysay ayay hub adeegsadeen, arrintaas oo tilmaamaysa in ay jirto farogalin gudaha ah iyo mid dibadda ah oo hurinaya colaadda, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay dawladda Suudaan.
Magaalada Port Sudan ayaa caasimad u ah gobolka Badda Cas ama Red Sea waxayn marin muhiim u ah u tahay maraakiibta.
Inta badan ganacsiga dalkaasi wuxuu maraa dekeddaas, dawladda Suudaanta Koonfureed ayaa sidoo kale adeegsata dekedaas iyada oo ka dhoofisa shidaal.
Suudaan waxaa soo maray bilo ay qasnayd ka dib markii ay shacabka iyo milatarigu ku heshiin waayeen awood qaybsiga, arrintaas ayaana timid ka dib markii xukunka xoog looga xayuubiyay madaxweynihii muddada dheer xukunka hayay ee Cumar Xasan Al Bashiir.Article share tools