axmed madoobe oo mar kale isu doortay madaxweynaha jubaland

Is doorasho ka dhacday hool ku yaalla magaalada kismaayo ayaa mar kale uu axmed isugu dortay madaxweynaha dowlad goboleed jubaland.

Iyadoo horeyba loo ogaa in axmed madoobe uu si iskiis ah isugu magacaabi doono madaxweynaha jubaland ka dib markii uu ka biyo diiday talooyinka dowlada faderaalka iyo beesha caalamka ay u jeediyeen taas ku saabsaneyd in hanaan sax ah loo maro doorashada madaxtinimo ee jubaland.

Is doorashada uu axmed madoobe ku dhawaaqay waxa si maqaar saar ah ula tartamayay Maxamuud Maxamed Cumar iyo Canab Maxamed Daahir .

Rag iyo dumar oo uu axmed madoobe isugu soo uruuriyay hoolka isla markaana uu ku tilmaamay xildhibaanada cusub ee baaralamaanka jubaland ayaa ku sugnaa hoolka.

Is doorashadan uu qabsaday axmed madoobe ayaa uga sii dari doonta xaalada jubaland maadaama aysan dowlada faderaalka iyo dalalka taageera soomaaliya aysan ku qanacsaneyn awooda uu adeegsanayo madaxweynihii waqtigiisu dhamaaday ee jubaland.

Horey ayay dowlada faderaalka u sheegtay in aysan aqoonsan doonin  wax kasta oo ka soo baxa isdoorashada uu axmed ku qabsaday kismaayo