warqad meel ka dhac ku ah soomaaliya oo kenya ay u dirtay UN-ka
Dowladda Kenya ayaa walaac ka muujisay dalabyada faraha badan iyo shuruudaha Beesha Caalamka ku soo rogeen hannaanka doorashada Jubbaland, iyadoo Guddiga Doorashada Jubbaland uu aqbalay dalabyo ka yimid Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, kaasoo ahaa dib u furida waqtigii is diiwaan gelinta Musharaxiinta, in dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha iyo in howsha agaasinta Doorashada lagu wareejiyay Baarlamaanka.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo loo diray Kaaliyaha Xoghayaha Qaramada Midoobey ee Arrimaha Siyaasadda lagu sheegay in weli Wakiilka Qaramada Midoobey uu Guddiga ku soo rogayo shuruudo in la qabto doorashada Madaxweynaha Jubbaland.
Sidoo kale waxay ugu baaqeen Qaramada Midoobey iyo Beesha Caalamka ee wada shaqeynta la leh dowladda Federaalka inay ka taageeraan Guddiga Doorashada Jubbaland sidii hannaanka doorasho loogu dhameyn lahaa waqtigii loogu tala galay, taasoo damaanad qaad u noqoneysa in la helo xasillooni siyaasadeed oo ka hana qaada Jubbaland, si loo sii wado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Dawladda Kenya oo ay ciidamo ka joogaan Magaalada Kismaayo ayaa Dadaal badan ku bixinaysa sidii uu mar kale kusoo Noqon lahaa madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe, oo ay u aragto tiir muhiim u ah Danaha Kenya ee ku aadan Soomaaliya.
Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa wax yaqyaqsi leh ku tilmaamay sida ay Kenya ula dhaqmayso dalka Somalia, halka guud ahaan ay khalad tahay qaabka ay Itoobiya iyo Kenya ugu hardamayaan gobolka Somalia oo ay dhul ka haystaan ka mid ah.