Muuse Biixi Oo Laga Xidhay Albaabka boqortoyada Sacoodiga

Waxaa la xaqiijiyey in Madaxweyne Biixi sitoos ah looga reebay Madaxdii Boqorka Sucuudigu soo martiqaaday kuwaasoo Gudashada Xajka kadib lagu martiqaado Qasriga Boqortooyada Sucuudiga.

Madaxweyne Biixi ayaa kolkuu Hargeysa ka duulayey Dadweynaha Somaliland Xukuumadiisu u sheegtay in Boqor Salmaanka Sucuudigu diyaarad khaas ah usoo diray, uuna ku dhoofayo isaga iyo weftigiisu Passportka Somaliland, sidoo kale lagu qaabili doono Hab-maamuus Madaxweyne.

Dhanka kale sida warkani sheegayo Ganacsato waaweyn oo qaar reer Sudan yihiin oo Weftiga Biixi galagalaysteen ayaa xataa isku dayey inay kala shaqeeyaan sidii uu keligii uga mid noqon lahaa dadka Boqorka soo salaamaya maaha dadka Boqorku martiqaadayo kuwa soo salaama Balse taasina ma suurtagelin

Safarka Madaxweyne Biixi ayaa kusoo idlaaday Casuumadii Sucuudiga oo Beenowday, diyaaradii oo iyana lamid ah, Hab-maamuuskii Madaxweyne oo la waayey, Passportkii oo hala kama jiraan noqday iyo lakulanka Wasiiradda Soomaaliya oo uu kujiro Wasiirkii Xadhkaha u jaray Jamhuuriyada Guinea.


Casuumaddan ayuu boqorku ku qaabilaa sannadkasta marka uu Xajku dhammaado madaxda caalamka ee Xajka yimi.

Madaxda ka socotay Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa sannadka ka qayb-galay casuumadda boqorka, halka Hogaamiye Kooxeedkii SNM oo doonayey inuu indha cadays iyo madaxweynaan ahay ku arko boqorka Sacuudiga , aanu soo xaadiri