Go’aanka madaxweeyne farmaajo uga tanaasulay dhalashdiisa labaad maxay kabadali kartaa siyaasiyiinta Haysta dhalashada wadamo kale

Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed  abdullaahi Farmaajo ayaa  dib u celiyey jinsiyaddii Mareykanka ee uu haystay, taasi oo dad badan ay soo dhoweeyeen. Go’aanka madaxweynaha oo lagu shaaciyey war-saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia, lama raacin wax sabab ah.

Farmaajo waxa uu madaxweyne yahay laba sano iyo bar, wuxuuna jinsiyaddan ka tanaasuli karay markii la doortay

Ogow, Farmaajo marnaba ma wajihin marxald uu huritaan sameeyo – Macnaha inuu kala doorto Soomaaliya iyo Mareykanka – oo sharciga Soomaaliya uma diidayo inuu haysto baasaboor dal kale, sidaas darteed isaga oo dalkiisa daacad u ah ayuu haysan karay dhalashadiisa labaad. Sidaas darteed waxaa su’aalo badan ay ka dhasheen waxa xilligan kusoo beegay go’aankiisa.

Sababaha Farmaajo ku qasbi kara go’aankan

Uma bahana: Faa’iidada ugu weyn ee haysashada baasaboorka Mareykanka ayaa ah ku safarkiisa dunida oo dhan xilligii aad doonto, weliba Visa la’aan inta badan dalalka caalamka. Maadaama Farmaajo madaxweyne noqday, marka uu xilka ka dego, wuxuu dalkii uu doono caalamka ku tagi karaa baasaboorkiisa Soomaaliga, isaga oo ka faa’iideysanaya maqaamka uu horey u gaaray. Sidaas darteed, Farmaajo maanta baasaboor caalami ah uma baahni, oo magaciisa ayaa u ah.

Marka isbarbardhig lagu sameeyo baasaboorka Soomaaliga iyo kan Maraykanka, waxaa aad u sareeya kan Maraykanka sida ku xusan bogga passportindex.

9 dal oo kaliya ayaa fiiso la’aan lagu tagi karaa baasaboorka Soomaaliya, halka kan Maraykanka lagu tagi karo 115 dal adiga oo aanan qaadan wax dal ku gal ah.

Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, dadka Soomaalida waxa ay u kala qaxeen daafaha adduunka, halkaas oo ay ka heleen dhalasho labaad.

Balse markii qeybo badan oo Soomaaliya ka mid ah lagu soo dabaalay xasilooni, waxaa batay dareenka laga qabo dadka haysta dhalashooyinka ajnabiga, taasna waxaa malaha sare usii qaaday ku lug lahaanshiyaha beesha caalamka ee arrimaha Soomaaliya.

Tiro aad u badan oo ka mid ah mas’uuliyiinta xilalka ugu sareeya ka haya dowladda Soomaaliya iyo waliba shaqaalaha rayidka ayaa haysta dhalashooyinka dalal shisheeye oo u badan kuwa reer Galbeedka.

Shabakada daahfurnaanta arrimaha dowladda wanaagga ee Wakiil ayaa tirakoob ay samaysay waxa ay ku sheegtay in 105 xildhibaan oo ka mid ah labada Aqal ee baarlamaanka ay heystaan baasabooro ajaaniib ah.

Waxaana xusid in tirada ugu badan ee xildhibaanadan ay ka yimaadeen dalka Maraykanka.

Laamaha kala duwan ee dowladda

Marka laga tago madaxtooyada iyo baarlamaanka, dhammaan laamaha kale ee dowladda dadka madaxda ka ah waxa ay intooda badan haystaan baasabooro ajaaniib ah.

Sida laanta fulinta, Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre oo ugu sareeya xukuumadda waxa uu heystaa dhalasho Norway ah iyo ku xigeenkiisa Mahdi oo heysta baasaboor Itoobiyaan ah

Boqolkiiba 74% wasiiradda waa xildhibaano sida ay qortay shabakadaha daneeya arrimaha passporada , taas waxa ay ka dhigantahay in xildhibaano badan oo ah kuwaas kor lagu soo sheegay ee baasaboorada ajaaniibta haysta ay ku jiraan golaha wasiiradda.

Xagga garsoorka iyo ciidamada , waxaa la sheegay in mas’uuliyiinta qaar ay heystaan dhalashooyin dalal kale.

Intaas oo kaliya kuma eka, xitaa inta badan dadka raadinaya in ay qabtaan xilka ugu sareeya Soomaaliya waa kuwa wata baasabooro dalal kale. Sida uu qorey wargeyska Quartz , 16 ka mid ah musharixiintii u taagnaa xilka madaxtimada Soomaaliya ee sannadkii 2017-kii ayaa heystay dhalashooyin dalal kale.

Maxamed xaaji Axmed  oo ah khabiir xagga sharciga ah aya qaba  in go’aanka madaxweynaha uu qaatay ey meesha ka saareyso tugunkii shacabka ay qabeen oo ah in madaxda dalka markii mudo xiloodkoodu uu dhamaado ay dib ugu laaban jireen dalalkii ay ka yimadeeen

qabiirka oo hadalkiisa si wata ayaa sheegay ineysan waxba ka jirin hada heynta ay dadka isla dhex marayaan taaso ah in mdaxweynaha uu go’aan kaan ka leeyahay arrimo siyaasadeed iyo inuu ugu diyaar garoobo doorashad  2020 ka dhici doonta dalka soomliya

ugu danbeyn  wargeysyada wadamada carabta qaar kood ayaa qoraya in Madaxweeyne Maxamed Cabdulaahi Faramajo inuu go’aansaday inuu kala Noqdey dhalashada Mareykanka kadib weerarkii Afka ah uu ku qaadey Madaxweeyne Donald Trump Xildhibaan Elhan Cumar.\

Warbxiintaan waxaa soo diyaariyey bahda Sareeye Fm 87.5mhz