Faalo:-Soomaaliya waa dal leh kheyraad dadkiisa ka badan
ilaa saddex dhaqan dhaqaale ayay ku tiirsan tahay soomaaliya kuwaas oo kala ah beeraha,xoolaha,iyo kalluumeysiga
dhamaantood hadda waxaa ku socda dagaal toos ah iyo mid dadban taas oo uu muuqdo ifafaalaheedu.
Dalkaan waxa uu leeyahay xeebta ugu dheer qaarada afrika oo ay ku jiraan noocyo kala duwan oo kalluunna kuwaas oo dabooli kara baahida guud ee dalka iyo dadka,waa haddii looga faa’iideysto sida ugu haboon.
Kalluumeysiga
Kalluumeysigu waa nooca ugu badan ee guud ahaan dabooli karaa dhaqaalaha dalka
xeebaha soomaaliya waxaa si sharci darro ah uga kalluumeysta maraakiib ay leeyihiin shirkado laga leeyahay dalalka horumaray kuwaas oo shaar kale u galiyay maraakiibta una bixiyay in ay la dagaalamayaan burcad badeed.
Kaliya ma ahan maraakiibtaas in ay guranayaan kheyraadka badda Soomaaliya hase ahaatee waxa ay raad xun ku reebi karaan badda Soomaaliya
1-maraakiibtaas waxa ay sun ku shubaan biyaha badda taas oo waxyeelo u geysata noolayaasha ku nool badda waxayna sababtaa in ay ka haajiraan xeebahaas una haajiraan xeebo kale.
2- waxa ay is hor istaag ku sameeyeen dhalinyaradii xaqa u laheyd in ay ka kalluumeystaan badooda kuwaas oo ay ku tilmaameen in ay burcad badeed yihiin
dagaalka barriga uga socda soomaaliya waxaa kaga lumya 80% dhaqaalihii ay ka heli jirtay badda taas oo ay ka faa’iideysteen shirkado ajaaniib ah.
cel-celis ahaan dhaqaalaha maalintii oo keliya ay soomaaliya ka heli karto badda ayaa lagu qiyaasaa in ka badan 1,000,000m oo doolar
haddii ay soomaaliya heli laheyd lacagtaas waxaa hubanti ah in lagu dabooli lahaa baahiyada guud ee dalka.
Beeraleyda.
Isha kale ee dhaqaalaha soomaaliya waa beeraleyda
dalagyada ugu badan ee ka soo go dalka ayaa loo iibgeeyaa dalalka dcaalamka halka kuwa kalena dalka lagu iibiyo
weligeed ayay soo jirtay in dhaqaalaha beeraleyda uu ahaa mid saameyn balaran kulahaa kobaca dhaqaalaha dalka,
Beeraleyda waxa ay dhexda u xirteen sidii ay ku horumarin lahaayeen dhaqaalaha dalka balse waxa ay la kulmeen caqabado badan oo qaarkood ka hor istaagay in ay sii tabcaan beerahooda.
jidgooyooyin badan, iib la’aanta dalagyadooda, cadaadisyo amni iyo kuwa kale ayay beeraleydu kulansadeen taas oo meesha ka saartay in ay sii wadaan beerista dalagyada kala duwan ee dalka.
qaarkood abaaraha dalka ku dhuftay ayay isaga soo carareen waxaana ay noloshooda ka sii wateen magaalada iyaga oo badelay ganacsigooda beeraha.
nolosha dhaqaale ee bulsho waa marka gudaha dalkeeda ay ka hesho dhaqaalo ku filan.
hay’adda cuntadda aduunka ee wfp waxa ay noqotay mid niyad dadban ku heysay beeraleyda iyadoo dhowr jeer qaramada midoobay u gudbisay xaalad macaluul ay ka jirto soomaaliya loona baahan yahay gargaar deg deg ah
gargaarkaas waxaa uu saameyn ku yeeshay dalagyadii ay soo saari jireen beeraleyda.
waxyaabaha dibadda laga soo dhoofiyo waa kuwo kal badan inta dalka laga dhoofiyo waana xadi kale oo dhaqalaha dalka loogu kobciyo dalal horumarsan.
Xoolaha .
waxa ay weligood ahaayeen il dhaqaale oo ka mida 3-da dhaqaale ee uu dalkan ku tiirsa yahay.
geelle,ariga iyo lo’da waxa ay ahaayeen kuwa ugu badan ee daboolay dhaqaaalaha dalka ilaa iyo haatana saameyn dhaqaale ku leh.
ishan dhaqaale waxaa lagu tilmaami karaa isha keliya ee ugu badan ee loo dhoofiyo dalka dibadiisa waxaana sanad kasta dalka dibadiisa loo dhoofiyaa in ka badan 50,000 oo neef.
xooluhu hadda waxa ay yihiin kuwa ugu bada ee dhaqaalaha dalka kobciya ha ahaato isticmaalka gudaha iyo dibadda.
3dan dhaqan dhaqaale ee dalku ku tiirsan yahay ma jirto dhiiro galin rasmi ah oo ay ka heleeen dowlada markaas jirta marka laga reebo qowda maqashii oo waxba ha u qaban