wasiirka waxbarashada soomaaliya oo ka hadlay natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee dalka
c,llaahi goodax barre wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadda faderaalka soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay natiijada imtixaankii dugsiyada sare ee ay qaaday wasaaradda waxbarashada.
wasiir goodax ayaa sheegay in imtixaanka ay u fariisteen 29,434 ardey isla markaana ay imtixaanka ka gudbeen 52%( boqolkiiba) ardeydii gashay imtixaanka.
27-kii bishii maajo ee sanadkan ayay wasaaradda waxbarashada xukuumadda faderaalka dib u qaaday imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka ka dib 3-maamood oo uu socday imtixaan ay wasaaraddu joojisay kaas oo ay ardeyda heleen qishka imtixaanka
sanadkan ayaa ka duwan sanadkii hore iyadoo tirada gabdhaha ee sanadkan ka gudbay imtixaan ay ka badan 8,000.