Dhismaha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo si rasmi ah u bilaabatay

waxaa maanta si rasmi ah u biloowday Dhismaha Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyadoo waddadaasi iyo waddooyinka ku xeeran ay dowladda ku jartay dhagxaan waaweyn.

dhismahaan oo maanta si rasmi ah u bilowday ayaa waxaa dhisaya shirkad laga leeyhay dalka Turkiga ayadoo lacagaha ku baxayana dhismaha wadaddaan ay bixineeyo dowlada Qatar

Ciidmada amaanka ayaa aad u adkeyey amaanka halka ay ka socdaan dhismaha oo maanta ka biloowday ex-control Afgooye

Guud ahaan hareereaha wadada uu dhismuhu ku ka biloowday ayaa waxaa ka shaqeeynaya gaadiid dhawaanahaan ay shirkada dhiseeyso wadadaan ay ka soo dajiyeen dekeda magaalada muqdisho


Dowladda Qadar sanadkii 2017kii ballanqaadday in ay dhiseyso Waddooyinkan waxaana dadka Muqdisho ay in badan hadal hayeen sababta aanay wali u billaaban dhismaha Waddooyinkaas

Mashruucan dhismayaasha Waddooyinka Muqdisho iyo Afgooye iyo Muqdisho iyo Jowhar ayaa waxaa uu ku kacayaa $200Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi ka socday dowladda Qadar oo ay wehliyeen Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa daah furay dhismaha Waddooyinkaas 18kii Februay sanadkan inkasta oo tan iyo xilligaas aysan billaaban.