Ciidamada DF-Somalia iyo Ahlu-Sunah oo Howlgalo Deg deg ah ka Bilaabay Dhuusa-mareeb
Laba qarax oo daqiiqado kala dambeeyey ayaa maanta ka dhacay magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimada galmudug meel aan sidaa uga sii fogeeyn madaxtooyada Galmudug waxaana jiray khasaare ka dhashay qaraxyadaasi
Ciidamada amniga dowlad Goboloeedka Galmudug iyo kuwa Ilaalada gaarka ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo magaalada Dhuusamareeb kusugnaa ayaa waxaa ay baaritaano kala duwan ka wadaan Dhuusamareeb,iyagoona gacanta ku dhigay dad u badan dhalinyaro.
Xaalada Magalada Dhuusamnareeb ayaa Maanta ka duwan sidii hore,waxaana wararku sheegayaan in inta badan Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Dhuusamareeb la dhigay ciidamo farabadan,kuwaas oo dadkaiyo gaadiidka u diidaya goobaha qaar.
qaraxyadaan aya ku soo aadaya xili magaalada dhuusamareeb ay kusuganyihiin wafdi ka socda dalka qatar oo halkaasi howlo kala duwan u joogay