DEG DEG:-Faah-faahin dheeraad ah oo laga helayo weerarkii Kismaayo
Weerar ku biloowday qarax xoogan ayaa haatan ka socda Hotelka Cas-caseey oo kuyaala magaalada kismaayo
gudaha hotelka ayaa waxaa haatan laga maqlayaa daryanka rasaasta kala duwan waxaana halkaasi ku dagaalamaya ciidamada amaanka iyo kooxdii weerarka soo qaaday ayadoo ay is dhaafsanayaan hub aad u xoogan oo inta badan laga maqlayo magaalada kismaayo.
wararka ayaa waxa ay sheegayaan in uu jiro khaasaare xoogan oo ka dhashay weerarkaan waloow aan wili la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaan.
Weerarkaan ayaa imaanaya ayadoo bartamaha bisha soo aadan ee Agoosto lafilayo in doorashada madaxweeynaha maamulka jubbland iyo baarlamaanka ay ka dhacado Juballand.