Gudoomiye Mursal Oo Gaaray Xudur….

Gudoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka somaliya maxamed mursal shiiq c.raxmaan. wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta waxa ay booqasho ku gaareen dagmada xudur ee gobalka bakool.
wafdiga gudoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa garoonka dagmada xudur kusoo dhaweeyay qaar kamid ah madaxda ugu sareeysa maamulka koonfurgalbeed, waxgaradka iyo waliba siyaasiyiinta kasoo jeeda dagmada xudur ee gobalka bakool.
gudoomiyaha ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato madaxda maamulka koonfurgalbeed oo ugu horeeyo madaxweynaha maamulkaasi cabdicasiis xasan maxamed (lafta-gareen) oo dhawaan gaaray dagmada xudur.
sidoo kale gudoomiyaha baarlamaanka ayaa u guurgali doona xaalada nolooleed ee bulshada reer xudur, islamarkaana uu kulamo la qaadan doono waxgaradka iyo cuqaasha halkaasi kusugan.