wariye C.maalik Coldoon Oo Xukun Lagu Riday…..

maxkamada gobalka maroodi jeex ee maamulka soomaliland ayaa saakay xukun ku riday wariye cabdi maalik muuse Coldoon oo dhawaanahan xabsiga ku jiray

cabdimaalik coldoon ayaa lagusoo eedeeyay in uu gaf u geeystay qaranimada Somaliland isagoo sidoo kale dacwad Oogayaashu sheegeen in uu aflagaadeeyay madaxweynaha maamulka Somaliland muuse biixi cabdi.

Wariye cabdimaalik muuse coldoon oo dhowr jeer maxkamada kasoo muuqday ayaa saakay ugu dambeen  waxa ay maxkamada gobalka maroodi jeex ku xukuntay Saddex Sano iyo Lix bilood oo xarig ah, sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha maxkamada sare ee gobalka maroodi jeex

Si kastaba wariye cabdimaalik coldoon oo ah nin jacel qarinimada iyo midnimada umada somaaliyeed ayaa inta badan la kulmo xabsi iyo caburin kaga timaad madaxda iyo ciidamada maamulka Somaliland isagoo dhowr jeer oo hore xabsiga la dhigay.