Laftagareen Oo Xudur Ku Wajahan………

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha maamulka koonfurgalbeed  Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa goordhow  la filayaa in uu gaaro magaalada xudur ee gobalka bagool

Waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka xudur waxaana wadooyinka waaweyn lagu arkayaa ciidamo aad u farabadan oo sugaya amaanka  iyadoo si weyn looga dareemaya magaalada soo dhaweynta madaxweyne laftagareen

Madaxweyne laftagareen ayaa la filayaa in uu soo indha indheen doono xaalada amaan iyo tan nololeed ee bulshada reer xudur iyadoo sidoo kale la filayo in uu madaxweynaha  xariga ka jaro saldhiga ciidamada booliska dagmada xudur.

Madaxweynaha maamulka koonfurgalbeed ayaa tan iyo markii la doortay waxa uu waday safaro oo ku aadayo deeganada uu ka arimiyo maamulkiisa si uu usoo ogaado baahiyaha bulshada reer koonfurgalbeed.