Xildhibaano Kagala Socda Dowlada dhaxe iyo Maamulka Konfurgalbeed Oo Gaaray Boosaaso………
Guddiga xaqiiqa raadinta oo loo xilsaaray xaqiijinta iyo xalinta dhacdadi ka dhacday magaalada gaalkacyo ayaa maanta gaaray magaalo xeebeedka Boosaaso ee xarunta gobolka Bari
waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah magaaladaasi.
Guddiga ayaa kulan la qaatay bulshada kasoo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed ee ku nool magaalada boosaaso, iyagoo ka xog wareystay xaalka deegaannada ay ku noolyihiin iyo hadii ay jiraan caqabado heysta,
waxaana intaaasi kaddib ay kormeereen xabsiyada magaaladaasi oo ay dad eedeymo kala duwan loo heysto ay ku xiranyihiin, kuwaasi oo ka hadlay qaar ka mid bulshadii iyo waxgaradkii Kulanka ka qeybgay iyo sidoo kale Xildhibaanno.
dhanka kale guddiga ayaa kulan la qaatay Wasiirka Dekadaha, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha puntland, Guddoomiyaha Gobolka Bari iyo sidoo kale Taliska qeybta booliska,kulanka ayaa inta uu socday aad looga hadlay dadka xabsiyada ku xiran iyo dembiyada loo heysto iyo sidoo kale in la kala saaro oo si deg deg dadka xiran maxkamad loo horkeeno si dembiilayaasha ay garsoor cadaalad ah u helaan, halka kuwii dembi lagu waayana dib xoriyadooda loo siiyo.
Guddigan oo ka gooban xildhibaanada baarlamaanka iyo kuwa maamulka koonfurgalbeed ayaa loo diray in ay warbixino xaqiiiqo raadin ah ka keenaan dhibaatooyinkii dadka badan lagu laayay ee dhawaan ka dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb ee Gobollada Mudug iyo Galgadood,