Dowlada kenya oo u muuqata in ay markan is dhiibtay……

Wasaarada arimaha dibada dalka Kenya ayaa markale walaac ka muujisay dacwada muranka badda ee somaliya kala dhaxeeyso

Monica juma Wasiirada arimaha dibada Kenya oo suaalo laga weydiiyay halka ay mareeyso dacwada muranka badda ee somaliya kala dhaxeeyso ayaa sheegtay in iminka ay soo dhawaatay xiligii ay asteesay maxkamada ICJ in ay ku dhacdo dacwada kama dambeesta ah balse ay iyagu dhankoodu aysan ku qanacsaneen maxkamada

“somaliya waxeey ka dhaga adeegtay dhamaan codsiyadeena si aan u heshiino maxkamad la’aan oo aan inagu isku afgarano lkn dhamaan codsiyadeenu waa ay ku gacan seereen, waana niyad jab go’aanka ay somaliya ka qaadatay saaxiibtinimadeena” ayeey tiri monica juma

Sidoo kale monica juma ayaa soo hadal qaaday in loo baahanyahay Kenya in ay la timaado hanaan kale oo ay kaga guuleesan karto somaliya.

Hadalka wasiiirada arimaha dibada Kenya ayaana u muuqday mid laga dheehankaro cabsida farabadan ay ka qabaan dalkeena somaliya iyo sida ay uga niyad jabsantahay kenya go’aanka maxkamada ay ka filayaan.