wadahadaladii U Dhaxeeyay Hirshabeelle Iyo Dabageed Oo Fashilmay

Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa xalay kulan uu ku dhexmaray Xildhibaano iyo Wasiiro ka socda Maamulka Hir-Shabeelle iyo guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka laga qaaday balse ka horyimid xilka qaadistaas ee Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Kulanka ayaa intiisa badan waxaa diirada lagu saarayay sidii xal buuxa looga gaari lahaa khilaafka ka dhashay xilka qaadistii Yuusuf Dabageed,isla markaana xiisad ka abuurtay Magalada Baladweyne,hayeeshee la sheegay in kulankaas uu fashil ku dhamaaday.

Wararka laga helayo baladweyn  ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubnaha Xildhibaanada iyo Wasiirada Hir-Shabeelle ay Yuusuf Dabageed ka dalbadeen in uu wareejo xilka,hayeeshee uu taasi ka biyo diiday,waxaana fashil kusoo dhamaaday kulankii labada dhinac.

Xiisadii ka dhalatay xilka qaadistii guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ayaa weli ka taagan Magalada Baladweyne,waxana Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) uu sheegay in Madaxweynaha Hir-Shabeelle uusan xilka ka qaadi Karin, isaga oo dalka dibadiisa ku maqan,waxaana waare xiligaas uu ku maqnaa dalka Kenya.