Maamul Goboleedka Jubbaland, ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay ugu hanjabayaan dad ay Tilmaameen in ay Kicinayaan Bulshada Maamulkaasi.
MUQDISHU-SAREEYE FM
Qodobada ay soo saareen Maamulka Juubaland, ayaa waxaa qeyb ka ahaa in ciddii lagu helo Fal danbiyeed la xiriira Kicin Bulsho in ay la kulmi doonaan Ciqaab adag sida xafiiska Xeer ilaalinta uu amray Laamaha Amniga.
Mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa isi soo tarayay Eedeynta loo jeedinayo Maamluka Jubbalnd ee ku aadan Doorashada ka qabsoomi doonto halkaasi, iyadoona Musharaxiinta qaar ay la kulmeen handadaad iyo Caga jugleyn markii ay gaareen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.