Dr Ibraahim Bur saliid oo Dib u helay Xuriyaddiisa.
MUQDISHO-SAREEYE FM
Wararka laga Helayo Dalka Kenya ayaa sheegaya in Saacaidihii la soo dhaafay Xabsi ku
yaala Magaalada Nairobi laga sii daayay Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo kal hore ay
Ciidanka Amaanka Kenya Ay Xabsiga Dhigeen.
Xukuumadda Nairobi ayaa sii deysay Dr Ibraahim Faarax Bursaliid Bursaliid oo isaga
iyo Rag kale ay Ciidanka Amaanka ay kala baxeen guryo ay ka Daganayeen Magaalada
Nairobi.
Dr.Ibraahim Faarax oo ka Faalooda Arimaha Siyaasadda Geeska Africa iyo Caalamka
sidoo kalena wax ka dhiga Jaamacadda Nairobi ayey Dowladda Kenya ku edeeysay inay
xiriir la leeyihiin kooxaha loogu yeero Argagaxisada,Waxaana Maalmo ka hor la soo
taagay Maxkamd wadankaas inkastoo lagu waaday eeedeymihii ay u soo jeediyeen
Masuuliinta Dowladda Kenya.
Maxkamdda Dalka Kenya ayaa Amartay in La sii daayo Dr.Bursaliid Maadama Lagu
waayay Dambiyadii lagu eedeeyay.
7-dii Bishaan ayey eheed markii Ciidamada Sirdoonka dalka Kenya ay Gurigiisa kala
baxeen Dr Bursaliid, iyada oo lala xiray Saddex qof oo kale oo Soomaali,kuwaas ooo
Eedo isku mid ah loo wada jeediyay.
Xeritaanka Aqoonyahan Bursaliid ayaa ku lug leh Xiisadda Siyaasadeed ee u dhaxeysa
Somaaliya iyo Kenya,Waxaana arintan ay qeyb ka tahay Cadaadiska Dowladda Kenya ay
ku heyso Shacabka iyo Dowladda Somaaliya iyadoo ka Calaaleysa Dacwadda Badda oo
Somaaliya ay u gudbisay Maxkamdda Caalamiga Ee ICJ ,Taas oo lagu wado in Go’aan
laga Soo saaro Dhamaadka Sanadkan.