Col.Caare oo si kulul uga Hadlay Hadal ka soo yeeray Somaaliland.
MUQDISHO-SAREEYE FM
Col. Saciid Cawil Jaamac Caarre oo Warbaahinta kula Hadlay magaalQardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa beeniyay ada war ka soo baxay Somaliland oo Sheegayay in uu debadda u dhoofayo kadib markii ay Somaaliland ku laabteen ciidaamdii isga La soo goostay.
Taliye Caarre ayaa sheegay in uu ka been-abuurtay guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Somaliland Maxamed Axmed Caalim Tiimbaro,
Waxaa uu korneel Cawil jaamac Caarre uu wacad ku maray in uu tallaabo adag ka qaadi dooono Gudoomiyaha Gobalka Sanaag islamarkaana uu ku weerari doono gurigiisa siduu hadalka U dhigay.
Sidoo kale wuxuu golayaasha Guurtida iyo Wakiilada Somaliland ka dalbaday in ay xil ka qaadis ku sameeyaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iy wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi Maxamed Kaahin Axmed.
Hadalka Col. Caarre ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Somaliland uu sheegay in ciidankii jabhadda Caarre ay dib ugu laabteen Somaliland isagiina keligiis joogo magaalada Qardho oo sida uu sheegay debadda uga dhoofayo.