Kenya oo wali ku Qanci la’a Dacwadda Badda Ee hortaala Maxkamadda ICJ.

MUQDISHO – SAREEYE FM

Siyaasiinta Mucaaraadka ku ah Dowladda Somaaliya oo loogu baaqay in Kenya aysan ku taageerin Dhibaatada ay ku heyso Somaaliya.

Dowladda Kenya oo Maamulka Jubaland kala hadashay Arimaha Xadka iyo Doorashooyinka Madaxtinimo ee Maamulka Jibakland.

Xukuumadda Nairobi ayaa ku dadaaleysaa sidii Hogaamiyaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe Markale ugu guuleysan lahaa Xilka Madaxtinimo ee Maamulka jubaland arintaas oo ay u arkaan mid ay ku gaari karaan hadafkooda islamarkaana ay ku sii xoojin karaa Carqaladeynta ay ku hayaan Somaaliya.

Iyagoo Arimahaas Ay jiraan ayaa waxaa Magaalada Nairobi kulan ku yeeshay Masuuliin ka tirsan Dowladda Kenya iyo Saraakiil ka socotay maamulka Jubaland.

Kulankaas ayaa looga hadlay arimo badan oo ku saabsan xiriirka hoose ay Kenya la leedahay Maamulka Jubaland.

Maxamuud Sayid Aadan oo ah Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay wada hadal ku aadan dhibaatooyinka ka taagan Xadka Soomaaliya iyo Kenya ay la yeesheen Mas’uuliyiin ka tirsan dalka.

Waxaa uu sheegay in maalmihii ugu dambeeyay uu tagay degaano ka mid ah dalka Kenya oo xad la leh maamulka Jubbaland Sidda Magaalada Mandera iyo Magaalooyin kale oo ku yaalla gobolka Waqooyi bari.