30,000 ka badan oo arday Soomaaliyeed ah oo maanta u fariistay Imtixaan.

Muqdisho ( Sareeye FM ) In ka badan 31 kun oo Arday soomaaliyeed ah ayaa maanta u fariisanaya Imtixaanka Guud ee Fasalka 12aad ee Dugsiyada sare oo ay qaadeyso Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dalka.

Imtixaankaan oo ah mid ku celis ah ayaa saakay si isku mid ah uga bilowday Caasimadda iyo Goboladda kale ee Dalka.

wasiirka waxaaradda waxbarashadda hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay waxa uu kaga duwanb yahay imtixaankaan kii hire ee fashilmay waxaana uu sidoo kale uu tilmaamay inaysan iusku mid ahayn midka laga galayo magaladda muqdisho iyo kan maamul goboleedyadda.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Wasaaradda ay xiri karto Baraha Bulshada hadii ay u baahato.

Wasiir Goodax oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Wasaaradda Waxbarashada codsi u qortay Maxkamadda Sare ee dalka,kaasi oo ay uga codsaneyso in la xakameyo Baraha Bulshada Waqtiga Imtixaanka, hadii ay baahi timaado.

Isaga oo sii hadlaayay Cabdullaahi Goodax Barre ayuu tilmaamay in Codsigaas Maxkamadda ay ka aqbashay,isla markaana Wasaaraddu ay heysato Awood ah in la xiro baraha bulshada.

ugu danbeyntii waxaan cod baahiyaha la dhex qaadnay qaar ka mid ah ardada u fariisanaysa imtixaanaadka waxaa ayna cabireen dareenkooda ku aadan sidda ay u arkaan ku celiska imtixaanaadka.

Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa Maanta waxaa si rasmi ah uga bilowday Imtixaanka Shahaadiga oo ay qaadeyso dowladda Soomaaliya,isla markaana waxaa u fariisatay in ka badan 31 kun oo ah Arday Soomaaliyeed..