1,000 askari oo ka mid ahaa Ciidanka Somaliland oo ku biiray

BADHAN (SAREEYE FM ) Munaasibad lagu qabtay deegaanka Balli-busle ee Sanaag ayaa Puntland ku dallacsiisay saddex Taliye oo kasoo goostay Somaliland,  Waxaana sidoo kale Puntland ay billad sharafsiisey badhasaabkii Somaliland ee Badhan oo isna goostay Cali Xuseen Maxamed.

Ugu horeyn saraakiishii iyo ciidamada kasoogostay maamulka soomaliland ayaa dhankooda waxay lahadlaeen warbaahin waxayna kashekeeyeen waxa ku qasbay in ay kasoo goostaan soomaliland

Xildhibaano iyo wasiiro katirsan maamulka puntland ayaa dhankooda waxa ay kahadleen ciidamada kasoogostay maamulka somaliland Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan ayaa waxa uu sheegay “Puntland wixii dhib soo maray idinka ayey idinku ilaawaysaa, waxayna Arinta Tusaalle u noqon doontaa kuwa kale ee ku sugan Gobolka Sool”.

Taliyaasha Xuseen Dheere iyo Xayle Xaaji oo hore uga tirsanaa ciidamada millteriga Somaliland ee gobolka Sanaag ayaa loo dalacsiiyey Gaashaanle sare halka Taliye Jaamac Dhakaar oo degmada Dhahar haystayna loo dalacsiiyey Gaashaanle dhexe, taliyaashan ayaa la sheegay in ay wateen ilaa 1,000 askari.

Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo-daareed ayaa sheegay inuu Bogaadinayo Ciidamada Iyo Sharaakiisha kala duwan ee kasoo baxay maamulka 

gudoomiyaha barlamanka maamulka punland ayaa sheegay in xaquuqda ciidamada iyo dadka shacabka ah ay meel ku ogaan doonaan